Muqdisho (Dawan)- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar “Cali Balcad” ayaa TV-ga Dawan uga warbixiyay kiiska xildhidhibaanad Marwa Cabdi Bashiir ee hadal heynta badan dhaliyay maalmihii lasoo dhaafay.
Marwa ayaa ku guul darreysatay in ay hanato xilka Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo ay kula tartameysay afar haween oo dhamaantooda kasoo jeeda qaaradda Afrika.
Wasiiru Dowlaha ayaa sharraxaad ka bixiyay sababta keentay in Soomaaliya ay taageerto musharrax dowlad kale iyada oo ay tartameyso xildhidhibaanad Marwa Cabdi Bashiir oo meteleysa Soomaaliya.
"Muddo laga joogo sideed bilood ayay dowladda Tanzania nasoo weydisatay inaan cod siino gabadha ah Guddoomiyaha Baarlamaanka oo u tartameysa xilka Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka, anago markaas maanan ogeyn in uu jiro qof Soomaali ah oo booskaas raba. Anagu marka waxaan ku go'aan ku gaarnay, inaan taageerno (Tanzania) warqad ballan qaad ahna waa loo qoray xilligaas" ayuu yiri Cal Balcad.



