Jabuuti, 13 Janaayo 2026 (Dawan)— Dab xooggan ayaa galabnimadii Talaadada ka kacay xaafado ka tirsan caasimadda Jabuuti, kaas oo gubay guryo badan isla markaana khasaare hantiyeed geystay, iyadoo mas’uuliyiintu sheegeen in nidaamyada tamarta qorraxda laga dhaliyo ay suuragal tahay inay sii xoojiyeen dabka.
Dabkii ka biloowday xaafadda Ambouli, ayaa sababay qiiq madow oo cirka isku shareeray, taas oo cabsi gelisay dadka deegaanka, maadaama dabku si degdeg ah ugu faafay guryaha isku dhow ee ku yaalla aagga xeebta.
Agaasimaha Hawlgallada Difaaca Madaniga, Maxamuud Muuse Maxamuud, ayaa sheegay in baaritaanno hordhac ah ay muujinayaan in baytariyo nuuca loo yaqaano lithium ah iyo qalab qorraxeed oo ku rakibnaa mid ka mid ah guryaha ay door ka ciyaareen xooga dabka, isla markaana fududeeyeen ku fidiitaankiisa guryaha deriska ah.







