Muqdisho (Dawan)- Dab xooggan ayaa xalay ka kacay Suuqa Merkato ee ku yaal xaafadda Shema Tera ee magaalada ee magaalada Addis Ababa. Dabkan ayaa gaystay burbur xooggan oo soo gaaray dhismayaal, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha dalkaas.
Wararku waxay intaas ku darayaan in dabku si xowli ah ugu fiday qaybaha kala duwan ee suuqa, iyada oo ay soo daaheen gaadiidaka dabdamiska.
Soo daahintaanka gaadiidaka dabdamiska ayaa loo aaneynayaa, inaysan marki hore ku jirin heegan iyo ciriiriga waddooyinka soo gala suuqa, taas oo sababtay in qasaaruhu sii ballaarto
War qoraal ah oo ay soo saatray Duqa magaalada Addis Ababa Adanech Abiebi, waxa ay ku muujisay sida ay uga xun tahay, qasaaraha ka dhashay dabka, waxayna tiri; “Aad ayaan uga xumahay burburka hantiyeed ee soo gaaray ganacsatada"



