Muqdisho (Dawan)- War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Hay’adaha ammaanku ay gacanta kusoo dhigeen 16 qof oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen fududeynta weerarkii lagu qaaday Hotel SYL 14-kii bishaan March.
"Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ku guulaysatay in ay soo qabato Cabdinaasir Daahir Nuur oo ahaa shaqsigii suurta-galiyay in magaalada ay soo galaan gawaarida falka argagixiso lagu gaystay" ayaa lagu yiri, war-saxaafadeedka Wasaaradda.
Wasaaradda ayaa intaas raacisay in sidoo kale dadka la qabtay ay ka mid yihiin Afar eedeysane oo ku diiwaan gashan milkiyadda labada gaari ee loo adeegsaday weerarkii Hotelka SYL.





