Jigjiga, 20 December 2025 (Dawan) – Wasiirka Xafiiska Arrimaha Bulshada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mudane Qeybdiid Cabdi Cumar, ayaa Jimcihii ku wareejiyay 30 qof oo baahiyaha gaarka ah qaba qalab ay shaqo-abuur ku sameystaan, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dhaqaalaha iyo isku-filnaanta bulshada. Qalabka la bixiyay ayaa ka koobnaa harqaanada dharka lagu tolo, kombiyuutarro, qalab cillad-bixin taleefan, iyo agab kale oo u oggolaanaya dadka helay inay xirfadaha ay barteen ku dhaqangeliyaan nolol maalmeedkooda.
Agaasimaha waaxda dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee Xafiiska Arrimaha Bulshada, Maxamed Shariif Khaliif, ayaa sheegay in bixinta qalabkan ay ka horeysay tababar gaar ah oo la siiyay dadka lagu wareejiyay agabka, isla markaana qalabka la siiyay qof kasta lagu saleeyay xirfadda uu ku habboon yahay. “Dadka baahiyaha gaarka ah qaba waxaan ku xulnaa in ay xirfadda baran karaan; tusaale ahaan, qofka lug la’aanta ah ma baran karo xarqaan, markaa qalabka waxaa la siiyay qofka u qalma xirfaddaas,” ayuu yiri Khaliif.
30-ka qof ee helay qalabka, waxay ka mid yihiin 200 qof oo horey uga faa’iideystay barnaamijka tababarka iyo qalab-bixinta ee xafiiska. Intii uu socday barnaamijka, xafiisku wuxuu afar jeer horey u qaybiyay qalab la mid ah, waxaana labada jeer ee u dambeeyay ka faa’iideystay 40 iyo 35 qof, sida uu sheegay Maxamed Shariif Khaliif.




