Khartoum (Dawan)- Dagaal xooggan ayaa mar kale ka qarxay shalay (Isniin) magaalada Khartoum ee caasimadda Suudaan kadib markii ay ciidamada dowladdu ay weerareen xarumo ay ku suganaayeen ciidamo ka tirsan Jabhadda RSF.
Mas'uul ka tirsan ciidamada Suudaan ayaa Aljazeera u sheegay in ciidamada militariga ay burburiyeen – waaberigii maanta oo talaado ah 40 baabuur oo kuwa dagaalka ah, iyaga oo sidoo kale dilay 150 dagaalame oo ka tirsan ciidamada Jabhadda RSF
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo dhawaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku booriyay labada dhinac inay joojiyaan colaadda inta lagu jiro bisha xurmada leh ee Ramadaan.
Suudaan waxaa hareeyay iska horimaadyo rabshado wata oo qarxay 15-kii Abriil, 2023, kuwaas oo ka billawday khilaaf iyo isku dhacyo hubeysan oo u dhexeeya Ciidanka Suudaan iyo Xoogagga kasoo horjeeda ee RSF.
Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sheegtay in in ka badan 6.3 milyan oo Suudaan ah ay ka qaxeen guryahoodii, iyaga oo ka cararaya dagaalka u dhexeeya dhinacyada iska soo horjeeda tan iyo bartamihii bishii Abriil.





