Baydhabo (Dawan)– Iska horimaad culus oo u dhexeeya ciidamo taabacsan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed iyo kooxo ka soo horjeeda ayaa ka qarxay magaalada Baydhabo, iyadoo mas’uuliyiin heer gobol iyo federaal ay isku eedeynayaan cidda ka dambeysa colaadda.
Dagaalka, oo billowday shalay, ayaa ilaa maanta ka soconaya qeybo ka mid ah magaalada, waxaana uu ka dhashay muran ku saabsan dhul ku yaalla suuqa Baydhabo, balse hadda ku fiday xaafado kale. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in xaaladda ay sii xumaatay, khasaare nafeed iyo mid hantiyeedna uu jiro, in kastoo tirada rasmiga ah aan weli la xaqiijin.
Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim Bilaal, ayaa kooxaha dagaalka kula jira maamulka ku tilmaamay “kooxo mooryaan ah oo isbaarooley” kuwaas oo uu sheegay inay carqaladeeyeen amniga iyo xasilloonida magaalada. Wasiirka ayaa intaa ku daray in ciidamada ammaanku si degdeg ah u farageliyeen, haddaana gacanta ku hayaan xaaladda.
“Kooxahani waxay ahaayeen niman mooryaan ah, oo shacabka dhibaataynayay, guryahana u burburinayay. Saacaddan aan idinla hadlayo, kooxihii burcadka ahaa si dhammaystiran ayaa loo soo afjaray,” ayuu yiri Wasiir Bilaal, isagoo maanta la hadlayay warbaahinta maxalliga ah.





