Dimishaq (Dawan)- Kooxaha hubeysan oo ka soo horjeeda dowladda Suuriya ayaa qabsaday 108 goobood oo ka tirsan gobollada Xalab (waqooyi) iyo Idlib (waqooyi-galbeed) iyada oo u socdo dagaal u dhexeeya kooxahaan iyo ciidamada dowladda maalintii saddexaad oo xiriir ah.
Deegaanada ay qabsadeen kooxahan hubeysan ayaa lagu qiyaasay inuu yahay ugu yaraan 850 km² oo ka tirsan labada gobol ee Xalab iyo Idlib. Goobaha muhiimka ah ee ay qabsadeen waxaa ka mid ah magaalada Saraaqib, taasoo ah magaalo muhiim ah oo isku xirta waddooyinka Xalab, Laadiqiya iyo caasimadda Dimishaq . Kooxahan hubeysan ayaa sidoo kale galay bartamaha magaalada Xalab, iyagoo qabsaday xaafado muhiim ah.




