Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo shir jaar'id qabtay ayaa ka warbixiyay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo horumarka laga sameeyay arrimaha dhaqaalaha iyo sare uqaadidda dakhliga gudaha dalka.
Wasiirka ayaa xusay in afartii bilood ee lasoo dhaafay horumar laga sameeyay kordhinta dakhliga gudaha dalka, dib-u-habeynta dhanka sharuucda hannaanka Maaliyadda, xoojinta Nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda iyo dardar-gelinta ka faa'iideysiga Tiknooloojiyadda casriga ah ee dhanka aruurunta Canshuuraha.
" Sanadkii 2022-ka bishii January ilaa bishii Abril 2022 dakhliga Dowladda u soo xarooday wuxuu ahaa 73 Milyan oo doollar. 2023 kii bishii January ilaa Abril 2023 dakhliga Dowladda u soo xarooday waxa uu ahaa 89 Milyan oo doollar. Sidoo kale sanadkaan aan hadda ku jirno ee 2024 ka ah afartaas bilood dakhliga Dowladda u soo xarooday waa 116 Milyan oo Dollar. labadaas sanno ee u dambeeyay haddii aan is barbardhigno korar ah 27 Milyan oo Dolllar ayuu sameeyay dakhliga gudaha". Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Bixii Imaan Cige.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in boqolkiiba 30 uu kordhay sanadkaan dakhliga Dowladda kadib markii si nidaamsan loo aruuriyay canshuurta laga qaado muwaadiniinta.
Biixi ayaa ka dhawaajiyay in wadashaqeynta Hey'addaha Maaliyadda caalamiga ah ee taageera Soomaaliya iyo adduunka kaleba ay kalsooni wayn ku qabaan in Soomaaliya ay ka miradhaliso barnaamijka Deyn Cafinta kaddib ee loo soo gaabiyo HIPC kaas oo ay kawada shaqeynayaan Dowladda Federaalka Hey'adda IMF.





