Kuwait (Dawan)- Danjiraha cusub ee Soomaaliya u magacaawday dalka Kuwait, Dr. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa maanta oo Arbaca ah waxa nuqul kamida Waraaqihiisa danjirenimo ka guddoomay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi, Cabdullaahi Al Yahya.
Danjiraha ayaa u gudbiyey madaxda dalka Kuwait farriinta salaan ah oo uu ka siday madaxda uga sareysa ee dalka Soomaaliya sida Madaxweynaha, Ra’iisul-wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda.
Salaanta iyo soo dhawaynta kadib waxa ay labada dhinac is dhaafsadeen wada-hadalo mira dhal ah oo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal oo dhinacyo badan leh, si looga mira dhaliyo himilada labada shacab.




