London (Dawan)- Ra'iisul Wasaaraha Britain, Rishi Sunak ayaa maanta oo Isniintii u magacabaay Ra'iisul Wasaarihii hore, David Cameron inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda, kadib markii uu isku shaandheyn ku sameeyay xukuumadda uu hoggaamiyo.
David Cameron ayaa aqbalay xilka loo dhiibay, waxa uuna ballan qaaday inuu ka shqeyn doono sidii looga gudbi lahaa caqabadaha caalamiga ah ee taagan.
"Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu iga codsaday in aan noqdo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, waxaana ku aqbalay si farxad leh" ayuu yiri Cameron.
Cameron ayaa sheegay in kow iyo toban sano uu ahaa hogaamiye Xisbi iyo lix sano uu ahaa Ra'iisul Wasaraaha Britain in ay ka caawin doonto fulinta howsha loo igmaday, issaga oo xusay in ay caalamka jiraan dhibaatooyin waaweyn oo u baahan xal sida dagaalka Ukraine iyo xisaadda Barig Dhexe.
Dhanka kale, Wasiirkii Arrimha Gudaha, Suella Braverman, ayaa xilkeedi lumisay waxaana lagu beddelay James Cleverly, oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda.





