Jig-jiga (Dawan)- Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar ayaa xariga kajaray waddooyin waaweyn oo ay Xukuumadda Deegaanka Soomaalidu ka hirgelisay Magaalada Godey kuwaas oo fududeyn doona isu socodka Magaalada gudaheeda iyo isku xirka Magaalooyiinka kale.
Sidoo kale waddooyinkaan ayaa kor u qaadi doona maqaamka Magaalada Godey, waxaana ku baxay qarash gaaraya 441 milyan oo birr.

Waddooyinka xariga la jaray oo seddex ah ayaa dhirir ahaana dhan 5.5 Km, waxaana kala fuliyay Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha oo 2 waddo dhisay iyo Maamulka Magaalada Godey oo 1 waddo fuliyay.
Waddooyinkaan oo bilic, qurux iyo horumar dhumuc weyn usoo kordhiyay caasimadda 2-aad ee Deegaanka ayaa sidoo kale kor u qaadi doona horumarka dhanka ganacsiga, waxa ayna ka mid tahay guulaha usoo hoyday dadka ku nool Magaalada tan iyo markii isbeddelku ka dahcay Deegaanka.

Qorshaha Xukuumadda Deegaanka waxaa ku jirta in lasii xoojiyo dhismooyinka waddooyinka, waxaana socda hadda 8 jid oo dhirir ahaan dhan 18 KM, iyada oo la dhameyn doono xilli dhaw, sida ay sheegeen Madaxda Horumarinta Magaalooyinka.







