Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa Jimcihii daah-furtay wajigii shanaad ee barnaamijka amaahda cagafyo beereed oo 50 ah ku waas oo ay qaybisaybeeraleyda, iskaashatada, iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay si loo horumariyo wax-soo-saarka beeraha ee gobolka.
Mashruucan, oo ay hoggaaminayso Waaxda Beeraha ee Dowlad Deegaanka isla markaana kaashanaysa Bangiga Shabeelle, wuxuu qayb ka yahay dadaal ballaaran oo lagu casriyeynayo beeraha, lagu kordhinayo mashiinnada, laguna horumarinayo nolosha miyiga.
Xafladda waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha Machadka Cilmi-baarista Beeraha, Ku-xigeenka Agaasimaha Bangiga Shabeelle, iyo madaxda hay’adda iskaashatada deegaanka.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in cagafyadaan lagu maamuli doono nidaam amaah wareeg ah oo loogu talagalay in qalabka casriga ah la gaarsiiyo beeraleyda yaryar.
Xafladda furitaanka oo ka dhacday gobolka Sitti, Wasiirka Beeraha ee Deegaanka Cabdullaahi Maxamed Muuse ayaa sheegay in barnaamijku ka tarjumayo ballanqaadka xooggan ee dowladda ee horumarinta farsamaynta beeraha iyo kordhinta wax-soo-saarkooda.
“Maanta waxaan aad ugu faraxsanahay ka qaybgalka wareejinta cagafyada ee loo qaybiyey iskaashatada iyo beeraleyda gobolka Soomaalida. Tani waa dufcaddii shanaad ee cagafyadu loo qaybiyo si wax-soo-saarkooda loo kordhiyo,” ayuu yiri Wasiirka Beeraha DDS, Cabdullaahi Maxamed Muuse.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in barnaamijku hore u ballaariyay dhul beereed ka badan 1,600 hektar oo gobolka ka tirsan.
Nuur Maxamed, ku-xigeenka Bangiga Shabeelle, ayaa hambalyo u diray dadka helay cagafyada, isagoo sheegay in qaabka lagu heshiiyey iyo waqtiga amaahda laga taxaddaray.“Waxaan u hambalyeynayaa shirkadaha iyo iskaashatada dhameystiray dhammaan shuruudihii lagama maarmaanka ahaa ee hadda helay cagafyadii loo diyaariyey,” ayuu yiri.
Beeraleyda deegaanka ee helay cagafyadu waxay dhankooda ka mahadceliyeen, iyagoo sheegay in qalabkan uu ka caawin doono xallinta caqabadaha ay horay u soo mareen.
“Waxaan si daacad ah u bogaadinayaa hawsha ay Waaxda Beeraha iyo Bangiga Shabeelle si habboon uga howlgaleen uguna wareejiyeen Cagafyada. Gaar ahaan waxaan uga mahadcelinayaa magaca Iskaashiga Wax-soo-saarka Beeraha Barwaaqo ee degmada Hadhagale ee gobolka Sitti.,” ayay sheegeen.
Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ballanqaaday inay sii waddo taageerada qaybta beeraha, iyadoo farsamayntu tahay mid ka mid ah tiirarka koritaanka dhaqaalaha iyo helidda cunno ku filan deegaanka.



