Itoobiya — 8 Oktoobar 2025 — Gobolka Soomaalida ee Itoobiya ayaa Talaadadii bilaabay Barnaamijka Diiwaangelinta Aqoonsiga Qaranka ee Fayda ee Qolooji, kaasoo siinaya aqoonsi rasmi ah in ka badan 65,000 oo qof oo barakacayaal gudaha ah (IDPs) kuwaas oo muddo dheer la kulmay caqabado ku aaddan helitaanka dukumentiyo rasmi ah.
Barnaamijkan waxaa iska kaashaday Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida(DDS), Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), iyo hay’ado kale oo samafal. Munaasabadda daahfurka waxaa furay Wasiir ku-xigeenka DDS, Cabdifataax Maxamed Cabdi, waxaana ka qaybgalay masuuliyiin ka socday Xafiiska Dakhliga DDS, Waaxda Aqoonsiga Qaranka, maamulka gobolka Faafan, iyo UNHCR.
Magaalada Qolloji, oo ku taalla qiyaastii 65 kiiloomitir koonfurta Jigjiga, waxay hoy u tahay tobanaan kun oo qof oo barakacayaal ah kuwaasoo ka cararay colaado, abaaro, iyo dhibaatooyin kale. Dad badan oo halkaa ku nool ayaa horay u waayey aqoonsi rasmi ah, taasoo xaddidaysay helitaanka adeegyada dowladda, caafimaadka, iyo waxbarashada.





