Jigjiga (Dawan) – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), Mustafe Muxumed Cumar, ayaa si rasmi ah u bilaabay barnaamijka shaqooyinka tabarucaadka ee xagaaga ee sanadka 2025. Barnaamijkan, oo qayb ka ah dadaallada qaran, waxa uu ujeedkiisu yahay bixinta adeegyo muhiim ah iyo hagaajinta xaaladaha nololeed ee dadka ugu nugul deegaanada.
Madaxweynaha Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in barnaamijkan uu xoogga saarayo horumarinta dadka, isagoo si gaar ah u tilmaamay in barnaamijkan ay ka faa’iideysan doonaan bulshooyinka deegaanka. Madaxweyne Mustafe ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka deegaanka inay si firfircoon uga qeyb qaataan barnaamijka, isla markaana fahmaan faa’iidada uu leeyahay.
"Shacabka waxaan fareenaa inay ka qeyb qaataan, oo ay fahmaan faa’iidada Barnaamijkaan leeyahay. Meel walbo aan xooggeena wax ku qabanno annagoo gudbinayna farriinta ah yaan dowladda uun wax laga sugin," ayuu yiri Madaxweyne Mustafe.





