Maxamed Cabdi
Jigjiga, DDS – Xafiiska caafimaadka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa shaaciyay in la bilaabi doono olole ballaaran oo talaalka dabaysha (polio) ah oo socon doona afarta maalmood ee u dhaxaysa 14-ka ilaa 17-ka bisha Juun 2017 ee tirsiiga Itoobiya. Talaalkan ayaa si rasmi ah looga fulin doonaa guud ahaan deegaanka si looga hortago faafitaanka cudurka dabaysha.
Wasiir ku xigeenka xafiiska caafimaadka DDS, Xaawo Saleeban, ayaa sheegtay in sanadkan 2024, guud ahaan caalamka laga diiwaan geliyay 183 kiis oo dabaysha ah oo laga helay 16 wadan. Itoobiya ayaa ka mid ah wadamada uu cudurkani saameeyay, iyadoo laga soo gudbiyay 39 kiis oo ka yimid 10 dowlad deegaan oo dalka ka tirsan, Deegaanka Soomaaliduna uu ka mid yahay. Xaawo Saleeman waxay xustay in saddex kiis oo cudurkan ah laga helay deegaanada Mooyaake, Galafe, iyo Jarate.





