Jigjiga (Dawan)- Golaha Fulinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa meel-mariyay miisaaniyadda sannadkan oo ku dhawaad 50% ay ka imaan doonto dakhliga laga soo aruuriyo Deegaanka.
Miisaaniyadda guud ee Deegaanka Soomaalida ayaa gaareysa lacag dhan 40,686,127,007 (Afartan bilyan, lix boqol sideetan iyo lix milyan, boqol labaatan iyo toddobo kun iyo taddobo birr) waxayna 6% ka badan tahay miisaaniyadii sannadkii hore.
Xafiisyada heer Deegaan waxaa loo qoondeeyay miisaaniyad dhan 23.6 bilyan oo birr, halka miisaaniyadda hiigsiga yoolasha horumarka waara loogu tala galay 1.4 Bilyan oo Birr. Sidoo kale, degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka ayaa loo ansixiyay 15.7 bilyan oo birr.
" Miisaaniyada Deegaanka ayaa 43% noqon doonta mid ka timaada dakhliga uu Deegaanku soo saarto, halka 57% laga heli doono kabka khasnadda dhexe ee Dowladda Fadaraalka iyo deeqda dibadda", ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warbaahinta u qaabilsan Dowlad Deegaanka.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in arrinatn ay tilmaamayso in Deegaanku ku talaabsaday guulo waaweyn oo ah dhinaca kor-u-qaadidda dakhliga gudaha ee kasoo xaroonaya dhaqaalaha Deegaanka lixdii sano ee u dambaysay.



