Jigjiga, Itoobiya – Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa ku howlan hirgelinta barnaamijka ballaaran ee dhirbeerista ee lagu magacaabo “Dhaxalreebka Cagaaran”, kaasi oo sanadkan 2017-ka tirsiga Itoobiya lagu qorsheeyay in deegaanka laga beero 14 milyan oo geed.
Mas’uuliyiinta Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga DDS ayaa 25 May 2025 kormeeray xarunta dalxiiska Shabeelley – mid ka mid ah meelaha si guul leh looga hirgeliyay wajigii koowaad ee barnaamijka, halkaas oo lagu beero 150,000 oo geed. Wasiirka Xafiiska, Muxyadiin Cabdi, ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid weyn oo wax ka qabanaya arrimo badan oo deegaanka iyo horumarinta miyiga ah.
“Mashruucani waa mid aad u baaxad weyn, dhinacyo badan taabanaya, waana mid muhiimad gaar ah noo leh anaga oo ka xafiis iyo deegaanna ah. Waxaan si xooggan uga qeybqaadanay wajiga cagaarinta deegaanka,” ayuu yiri Muxyadiin.



