Goday, Itoobiya – Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) Ibraahim Cusmaan Faarax iyo Wasiirka Wasaaradda Waraabka iyo Dhulka Joogiisu Hooseeyo ee Dowladda Federaalka Itoobiya, Abrahaam Belay, ayaa si rasmi ah xariga uga jaray tuulo casri ah oo loogu talagalay dib-u-dajinta bulshada xoolo-dhaqatada ah ee magaalada Goday.
Tuuladan oo si gaar ah loogu talagalay bulshada danyarta ah ee reer guuraaga ah ayaa ujeeddadeedu tahay in kor loogu qaado noloshooda loona suurtageliyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah sida biyo nadiif ah, adeeg caafimaad, waxbarasho iyo hoy rasmi ah.
Madaxweyne ku-xigeenka DDS, Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa xusay in mashruucani uu ka mid yahay ballanqaadyadii hore ee xukuumaddu ay la gashay shacabka, isagoo yiri:






