Jigjiga, DDS – Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ee Dowlad-Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa si adag uga digtay ganacsatada ku hawlan iibinta alaabta dhacay, iyada oo sheegtay in tallaabo sharciyeed laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo arrintan.
Maareeyaha Wakaaladda Cabdullaahi Maxamuud Mataan, ayaa caddeeyay in ganacsatada bulshada u iibinaya cuntooyinka fudud, sharaabyada, caanaha, iyo agabka la isku qurxiyo ee wakhtigoodu dhacay ay wajihi doonaan cawaaqib sharciyeed culus. Wuxuu intaa ku daray in durba tallaabo laga qaaday meherado iyo shaqsiyaad lagu qabtay iyaga oo iibinaya alaabo dhacay, kuwaas oo halis ku ah caafimaadka bulshada.
Hawlgal ballaaran oo socday muddo labo maalmood ah ayaa lagu qabtay cidhifyada afarta degmo hoosaad ee magaalada Jigjiga, halkaas oo ay hawlwadeennada wakaaladdu ka wadeen olole lagu ururinayo alaabta dhacay. Waxaa la qabtay tiro badan oo ah sharaabyo iyo cuntooyin fudud oo qaar ka mid ah ay dhaceen bilooyin kahor.



