Tog-Wajaale , Itoobiya – Ugu dambeyn, bulshada magaalada Tog-Wajaale ayaa heli doona biyo nadiif ah oo si toos ah ugu imaan doona guryahooda, iyadoo aanay u baahnayn safarro dheer ama sugitaan waqti badan ah.
Mashruuca biyo nadiifka ee Tog-Wajaale, oo ku kacay ku dhawaad 500 milyan oo lacagta Itoobiya ah (qiyaastii $9 milyan), ayaa si rasmi ah xarigga looga jaray. Mashruucan oo ay maalgelisay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee Dolwadda Itoobiya, ayaa socday muddo laba sano ah waxaana ka faa’iideysan doona ku dhawaad 60,000 oo qof.
Biyo-gelintan ayaa la filayaa in ay si weyn u kordhiso heerka helitaanka biyaha ee magaalada, taasoo muhiim u ah caafimaadka iyo nolol maalmeedka bulshada deegaanka.
Munaasabadda furitaanka mashruuca waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee Itoobiya, iyo Wasiirka Biyaha DDS, Axmed Miraad Layli.
“Mashruucani waxa uu si weyn u taaban doonaa nolol maalmeedka dadka deegaanka,” ayuu yiri Madaxweyne Mustafe, isagoo sheegay in tani ay qayb ka tahay isbeddelka ballaaran ee ka socda gobolka.





