Itoobiya, 6 October 2025 – Ururka Horumarinta Dowlad Deegaanka Soomaalida oo kaashanaya Machadka Isbeddelka Beeraha Itoobiya (ATI) ayaa si rasmi ah 665 neef oo ari ah ugu wareejiyay iskaashatooyin iyo ganacsiyo yaryar oo ka howlgala Magaalada Dhagaxbuur ee Gobolka Jarar.
Xoolahan ayaa loo qaybiyay 37 shirkadood oo laga soo xulay degmada iyo magaalada Dhagaxbuur, kuwaas oo qeyb ka ah barnaamij ballaaran oo lagu xoojinayo koboca dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka deegaanka. Mashruucan waxaa si wadajir ah u hirgeliyay Ururka Horumarinta DDS, ATI, iyo MasterCard Foundation, iyadoo la kaashanayo maamulka magaalada Dhagaxbuur.
Ujeeddada barnaamijkan ayaa lagu sheegay in lagu dhiirrigeliyo ganacsiyada yaryar ee ku shaqeeya dhaqashada digaagga, caanaha, xoolaha, iyo ganacsiyada kale ee deegaanka, si loo kordhiyo fursadaha shaqo iyo dakhliga bulshada.
Intii lagu guda jiray xafladda wareejinta ee Axaddii, Maareeye ku-xigeenka Ururka Horumarinta DDS, Khadar Axmed, ayaa sheegay in mashruucu yahay mid lagu doonayo in bulshada danyarta ah loo abuuro dhaqaale waara.





