Jigjiga (Dawan)- Degmada Mooyaale ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa shalay si rasmi ah looga daahfuray ol’olaha tallaalka ciribtirka cudurka dabaysha (Polio). Warbaahinta ku hadasha Afka DDS ayaa sheegtay in daahfurka ol’olahan ay si wadajir ah isaga kashadeen maamulka gobolka Daawa, maamulka degmada Mooyaale, iyo xubno ka socda Xafiiska Caafimaadka DDS.
Ol’olahan oo socon doona muddo afar maalmood ah, waxaa si gaar ah u fulinaya Xafiiska Caafimaadka DDS, kaddib markii cudurka dabaysha laga helay qaybo ka mid ah degmada Mooyaale.
Madaxa xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee gobolka Daawa, Aadan Macallin Yuusuf, oo ka hadlay daahfurka ol’olaha, ayaa sheegay in tallaalkan degdegga ah loo qorsheeyay si looga hortago faafitaanka cudurka. Waxa uu intaas ku daray in cudurku halis ku yahay bulshada, gaar ahaan carruurta.



