DAROOR, Gobolka Jarar – Dowladda Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa 5 may si rasmi ah u dhagax dhigtay dhismaha xarunta caafimaadka Rabaso ee degmada Daroor, mashruuc qiimihiisu kor u dhaafayo 37 milyan oo birr, oo u dhiganta qiyaastii 648,000 US dollars.
Sida ay qoraal ku sheegtay warbaahinta dowladda deegaanka Soomaalidadhimahaan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee baahi weyn loo qabo.
Munaasabadda dhagax dhiga waxaa si wadajir ah uga qeybgalay Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS Muuse Axmed Ibraahim, Wasiirka Dakhliga DDS Maxamed Cabdi Cumar, iyo Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Caafimaadka Maxamed Ayaanle, waxaana halkaas lagu wareejiyay qandaraaslaha ku guuleystay dhismaha xarunta.



