Jigjiga (Dawan)- Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku dhawaaqday in diyaar garowgii ugu dambeeyay lagu soo gabagabeeyay raridda abuurka tayaysan ee loogu talagalay beeralayda deegaanda kala duwan
Siada ay sheegatay warbaahinta afka dowlada deegaanka ku hadsaha Maareeyaha Shirkadda Abuurka Xulka Beeraha ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, Cabdulaahi Muxumed Faarax, ayaa sheegay in abuurkan, oo ah nooca galleyda ee loo yaqaano Malkasa 4, la xaqiijiyay inuu ku habboon yahay xaaladaha deegaanka, islamarkaana uu wax ka beddeli doono tirada iyo tayada waxsoosaarka deegaanka.
Abuurkan oo tiradiisu tahay 4,000 kiintaal ayaa loo qorsheeyay in la gaarsiiyo 39 degmo oo ka tirsan 8 gobol oo ka tisan DDS.



