Jigjiga, Itoobiya – Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa si heer sare ah u xustay sannad-guurada 34-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Booliska, munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo shalay lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee magaalada Jigjiga.
Munaasabaddan ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin heer deegaan ah oo ay ka mid yihiin Hoogaanka Nabadgalyada DDS, Cabdulqaadir Rashiid Ducaale, Taliyaha Guud ee Booliska DDS, Sareeye Guud Cabdi Cali Siyaad, Kuxigeenka Duqa Caasimadda Jigjiga, Mudane Khadar Budul, saraakiil sare oo ka tirsan booliska iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Jigjiga.
Hoogaanka Nabadgalyada DDS, Cabdulqaadir Rashiid Ducaale, ayaa khudbadiisii xuska ku bogaadiyey doorka ciidamada booliska ee ilaalinta amniga shacabka. Wuxuu xusay in dadaallada joogtada ah ee ciidanku ay sabab u noqdeen in DDS ay noqoto mid kamid ah deegaannada ugu xasilloon dalka Itoobiya.
“Ciidanku waxay naf iyo waqti u hureen difaaca shacabka deegaanka. Waa kuwa mar walba ilaaliya sharafta iyo qiyamka bulshada," ayuu yiri Cabdulqaadir.



