Faafan, DDS – Maamul-goboleedka Dawlada Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa si rasmi ah u xusay maalinta tacadiyada lagula kacay shacabka deegaanka, iyadoo madal si heer sare ah loo soo agaasimay lagu qabtay magaalada Jigjiga ee gobolka Faafan.
Madasha ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin sare oo heer degaan ah, kuwaas oo uu ugu horreeyo Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Dr. Xuseen Xashi Qaasim. Waxaa sidoo kale ka qeyb galay xubno ka tirsan Komishinka Baadhista Tacadiyada, maamulka gobolka Faafan, culimaa’udiin, odayaasha dhaqanka, iyo marti sharaf kale oo muhiim ah.
Madasha ayaa lagu falanqeeyay muhiimadda maalintan ay leedahay, xaqiiqooyinka dhabta ah ee la xiriira tacadiyadii loo geystay shacabka deegaanka, saamaynta ay ku reebeen bulshada, iyo qorsheyaasha lagaga hortagi karo in falal noocaas ah ay markale ka dhacaan.
Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Dr. Xuseen Xashi Qaasim, oo khudbad ka jeediyay madasha, ayaa si adag u muujiyay in aan la gudbi karin marxaladihii murugada lahaa ee shacabka deegaanka soo mareen ilaa si dhab ah loo aqoonsado tacadiyadii dhacay iyo cida geysatay.





