Jigjiga (Dawan)- Gobolka Afdheer ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaa maanta laga daahfuray Dugsi Casri ah (Afdheer International School) oo ay maalgeliyeen Qurbajoogta gobolka.
Dhismaha Dugsigan waxaa ku baxay 99 Milyan oo Birr, oo u dhiganta 793,000 oo Dollar iyada oo loo dhamaystiray guud ahaan adeegyadii uu ardaygu ubaahnaa ee sida: Hooy, Cunno iyo baris-barasho, sida oo kalena leh adeegyada dadka baahiyaha gaarka ah qaba .

Dugsigan oo ay ka faa'iidaysan doonaan carruurta Agoonta ah ee ku nool gobolka Afdheer iyo Deegaankaba ayaa soo maray marxaladdo kala duwan waxaana loo sameeyay deeq-urruurin ay hormuud ka ahaayeen haweenka qurbajoogta gobolka, waxaana maanta lagu guuleystay in la hirgeliyo qorshahan soo billowday 2 sano kahor.
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar iyo Guddoomiyaha Ismaamulka Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, Nadiif Jaamac Aadan oo maalmahan booqasho ku joogay Jigjiga ayaa goob joog ka ahaa daah-furka Dugsiga Caalamiga ah ee Afdheer oo lagu baran doono culuumta kala duwan







