Jigjiga (Dawan)- Degmada Shabeeley ayaa dhameystirtay mashruuc dhir beeris ah oo lagu abuuray 25,000 oo geed, taasoo qayb ka ahayd dadaallada lagu qurxinayo laguna horumarinayo xarunta dalxiiska ee Shabeeley.
Mashruucan oo qayb ka ah qorshe ballaaran oo loogu talagalay in la kobciyo deegaanka iyadoo dhirtan lagu beeray si looga hortago isbeddelka cimilada loona xoojiyo bilicda deegaanka.
Mashruuca goobta dalxiiska ee Shabeeley oo loo qorsheeyey in lagu beero 300,000 oo geed ayaa demagada shabeeleey waxaa uga soo aaday 25000 oo geed waana lasoo gabagabeeyay sida maamulku sheegay.







