Jigjiga (Dawan)- Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in lagu guuleystay mashruuc tijaaaba ahaa oo lagu beeray Bariiska kaas oo laga hirgeliyay Degmada Beer-caano ee galbeedka Godey.
300 oo Hectare ayaa lagu tijaabiyay beerista Bariiska, iyada oo qorshuhu yahay in la ballaariyo wax-soo-saarka dhanka isku filnaanshaha cuntada , si looga kaaftoomo Bariiska laga keeno dibadda.
Ra'iisul wasaare kuxigeenka Itoobiya, Temesgen Tiruneh iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar, ayaa daah furay goynta Bariiska Mashruuca Waraabka Galbeedka Godey ee degmada Beer-caano oo dhan 300 oo Hiktar.
Munaasibadda lagu daah-furayay Bariiskan waxaa sidoo kale goob joog ahaa Madaxwayne kuxigeenka Xisbiga xukuma Itoobiya ee Barwaaqo ahna ra'iisul wasaare kuxigeen dhanka Dhisidda Nidaamka Dimuqraadiyadda Aadan Faarax Ibraahim, Wasiirka Maaliyadda, Axmed Shide, Madaxwayne Kuxigeenka DDS, Ibraahim Cusmaan Faarax, Wasiirka Beeraha Dr. Girma Amante iyo mas'uuliyiin kale.
Bariiskan oo la tijaabiyay ayaa la sheegay in lagu guulaystay, waxa uuna qorshuhu noqon doonaa in la sii ballaariyo wax-soo-saarkiisa, si looga kaaftoomo midka dibadda uga imaan jiray Dowlad Deegaanka Soomaalida.







