Itoobiya, 26 October 2025 — Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa ka digay in roobabka Dayrta ee sanadkan ay noqon doonaan kuwo hooseeya, iyagoo ku baaqay in bulshada iyo maamulka degmooyinka ay si hore ugu diyaar garoobaan una xoojiyaan qorshayaasha kaydinta biyaha iyo adkaysiga deegaanka.
Digniintan ayaa lagu shaaciyay kulan lagu qabtay magaalada Jigjiga Sabtidii oo lagu falanqeynayay xogtii roobabkii xilliga Xagaaga ee sanadkii hore iyo saadaasha roobabka Dayrta ee sanadkan 2018 (taariikhda Itoobiya). Kulanka waxaa soo agaasimay Xarunta Saadaasha Hawada ee Deegaanka Soomaalida iyadoo kaashaneysa Mashruuca Adkaysiga Nololmaalmeedka Dhulka Hoose (LLRP), kaas oo ka socda 40 degmo oo kamid ah deegaanka.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in wajiga labaad ee mashruuca LLRP uu diiradda saarayo dhismaha xarumo lagu kormeero cimilada, saadaasha roobabka, iyo horumarinta nidaamyada digniinta hore si loo xoojiyo adkaysiga bulshada ee isbeddellada cimilada.
Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha iyo Gargaarka ee Xafiiska Madaxweynaha DDS, Maxamed Faarax, ayaa sheegay in saadaasha cimiladu muujinayso in roobabka Dayrta ay hoos u dhici doonaan ilaa 80%, taas oo uu ku tilmaamay xaalad halis ah oo u baahan taxadar iyo qorshe.
“Saadaasha ayaa tilmaamaysa in roobabka Dayrta ee sanadkan ay aad u yaraan doonaan, ilaa 80% marka loo eego heerarkii caadiga ahaa. Tani waa digniin muhiim ah, bulshada waxaan ku boorrinaynaa inay sameeyaan kaydinta biyaha iyo qorsheyaal looga hortagayo xaaladaha abaarta,” ayuu yiri Maxamed Faarax.






