Jigjiga –(Dawan) - In ka badan 2.67 milyan oo geed ayaa lagu beeryay Dowlad Deegaanka Soomaalida maalintii Khamiista ee 31-ka Luuliyo, iyada oo qeyb ka ah ololaha qaran ee loo yaqaan “Dhaxal Reebka Cagaaran”, kaasoo laga hirgelinayo guud ahaan Itoobiya.
Ololahan ayaa loogu talagalay in lagu kordhiyo dhirta deegaanka, lagana hortago dhibaatooyinka la xiriira isbedbedelka cimilada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo deegaanada nugul ee ay saameeyeen xaaladaha deegaanka ee sannadihii dambe.
Wasiirka Xafiiska Ilaalinta Deegaanka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, Muxuyidiin Cabdi,ayaa sheegay in qorshaha maalintaasi uu ahaa in la beero 7 milyan oo geed, balse tirada la xaqiijiyay ee la beeryay ay noqotay 2.67 milyan, sababo la xiriira xilliga roobka oo aan weli gaarin qaar ka mid ah gobollada sida Sitti iyo Faafan.
"Dhul beeristu ma aha wax hal maalin lagu soo afmeero. Waa howl joogto ah. Waxaa muhiim ah in maalin walba wixii suurtagal ah la qabto, maadaama qaar ka mid ah gobollada sida Sitti iyo Faafan ay wali ku jiraan xilli roobaad,” ayuu yiri Wasiirka.






