Muqdisho (Dawan) Cadnaan Maxamed Ibraahim, oo 24 jir ah, waxa uu ka soo jeedaa qoys danyar ah oo ka kooban 11 qof. Aabbihii waxa uu adduunyada ka tegay isaga oo afar jir ah, kadibna hooyadiis ayaa dhaxda u xiratay sidii ay meel u saari lahayd wax ay cunaan carruurteeda, waxeyna sidoo kale dadaal dheeraad ah gelisay inay ku dhawaad 20 sano ka bixiso kharashaadka school-ka laakin ugu dambeyn way awoodi weysay inay bixisio kharashaadki Jaamacadda.
Inkasta oo dhibaato badan ka jirto deegaanka uu ku dhashay ee gobolka Gedo oo qiyaastii 400 km u jirta Caasimadda Soomaaliyaa ee Muqdisho, hadana Cadnaan waxa uu muujiyay dadaal dheraaad ah, wuxuuna si wanaagsan u dhameystay waxbarashadiisa asaasiga ah.Cadnaan waxa uu sannadkii 2016-ka usoo wareegay magaalada Muqdisho si uu usii wato waxbarashadiisa dugsiga Sare, wuxuuna dadaal badan kadib ka mid noqday shantii arday ee gashay kaalmaha ugu sarreysay natiijada dugsiga Sare sannadkii 2019-ka, taas oo keentay inuu Deeq Waxbarasho ka helo dowladda Shiinaha laakin nasiib darro, riyadiisi waa rumoobi weyday kadib markuu dunida ka dillaacay cudurkii COVID-19 oo caqabad ku noqday safarkiisi waxbarasho.
Cadnaan isaga oo niyad jabsan ayuu isaga laabtay magaaladiisi Luuq oo ay ku noolyihiin hooyadii iyo walaalahiis. Hal sano kadib waxa uu maqlay inay Hormuud Foundation bixineyso Deeq Waxbarasho, markiiba waa is diiwaan geliyay, wuxuuna ka mid noqday 30-ka arday ee ku guuleystay inay helaan Deeq Waxbarasho si ay u rumeeyaan riyadooda nolosha.Hadda, Cadnaan waa semesterkii seddaxaad, wuxuuna Cilmiga Beeraha ka bartaa Jaamacadda Zamzam ee magaalada Muqdisho.
“Waxaan ka quusaty rajadii aan ka lahaa waxbarashada, waxaana ka walwalsanaa sida uu ku dambeyn doono mustaqbalkeyga. Bal qiyas in aad ku soo laabato guriga hooyadaa ka dib markii aad weysay rajadii aad ku dhameystiran lahayd waxbarashadaada, dariiqa kaliya ee ku furana uu yahay inaad qoyskaaga kusii badiso culyska. Hooyaday waxa ay samaysay wax kasta oo ay awoodday si ay u koriso ilmo agoon ah “ ayuu yiri Cadnaan oo aka sheekeeyay noloshii adkayd ee uu soo maray.
Waxa uu intaas ku daray “Waxaan ku soo barbaaray dhul beereed oo inta badan dadka deegaanka noloshoodu ay ku tiirsan tahay beeraha. Riyadeydu waa inaan dadkayga wax u qabto oo aan noloshooda wax ka beddelo, aniga oo baraya xirfado farsamo oo casri ah marka aan dhammeeyo Jaamacadda”
Hormuud Salaam Foundation, waxey barnaamijka Deeqaha Waxbarasho billwaday sannadkii 2018-ka, waxeyna ugu tal gashay in lagu caawiyo ardayda leh himilada sare ee aan awoodin inay iska bixiyaan kharashaadka waxbarashada heer Jamaacadeed.
In ka badan 25 % ardayda ka faa’iideysata barnaamijkaan ayaa ah carruur agoon ah oo labadoodi waalid waayay, halka 16% ay yihiin arday danyar ah oo la nool qaraabo aan awoodin in ay bixiyaan kharashka waxbarashada jaamacadeed sidoo kale 23% ayaa ah carruurta ay hooyooyinkood yihiin kuwa la daala dhaca quutul-yomka carrurtooda, waxa jira iyaguna arday gaareysa 9% kuwaas oo nolshoodu ku tiirsantahay qaraabadooda.
“Hooyooyinka soo koriyay carruurta agoonta ah, iygaa oo duruufo adag ku jira una soo dhabar adeegay in ay ilmahooda wax baraan dhib iyo dheefba, waxey rajo weyn ka qabaan in maalin uun ay noloshooda wax ka beddelaan. Hormuud Salaam Foundation waxa ay garwaaqsantahay mas’uuliyadda noocaas ah, sidaas darteed barnaamijka Deeqaha Waxbarasho ayaan ugu tala galnay carruurtaas “ ayuu yiri, Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cusmaan.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray “ Waxaa naga go’an inaan badbaadinno caqliga jiilka soo koraya si aan kor ugu qaadno rajadooda nolosha, inaga oo fursad u siineynaa inay helaan waxbarashada ay u baahi qabaan. Waxaan rabnaa inaan gacan ka geysano sidii loo heli lahaa dhallinyaro aqoon leh oo wax u tari karta dalka iyo dadka labadaba “.





