Muqdisho ( Dawan)- Wareegga Sadexaad ee wadahadallada Soomaaliya iyo Ethiopia ee lagu ballansanaa 17ka September inuu ka dhaco magaalada Ankara ee dalka Turkey ayaa dib u dhacay iyada oo aan la muddeyn kulanka xiga.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Dawan TV u xaqiijiyay in shirku dib u dhacay sababo la xiriira shirka Golaha loodhanyahay ee Qaramada Midoobay oo ku soo beegmay. Waxa uu meesha ka saaray jiritaanka carqalado cusub oo saameeyay qabsoomidda shirka.



