Mogadishu, 03 November 2025 (Dawan) — Dekedda Muqdisho ayaa shaacisay in bisha Oktoobar ay noqday bishii ugu wax-soosaarka sarreysay sanadkan, iyadoo gaartay heerarkii ugu sareeyay ee dhanka maaraynta badeecadaha iyo dakhliga dekedda sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay maamulka Dekadda.
Bishan, dekeddu waxay diiwaangelisay 15,647 TEUs oo konteenarro ah iyo 120,787 tan oo badeecooyin bagaash ah, taas oo ay maamulka dekadda u arkaan guul muhiim ah oo ka tarjumaysa hufnaan shaqo, kororka awoodda maamulka, iyo dadaalka shaqaalaha dekedda.
Agaasimaha dekadda Maxamed Ali Nur Ameriko ayaa sheegay in guushaan ay ku timaaday dadaalka shaqaalaha iyo hufnaanta howlaha ka socda dekadda.







