Garoowe (Dawan)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la qaatay kulan qaar ka mid ah madaxda xisbiyada siyaasadda, kaas oo looga hadlay muranka ka taagan nidaamka doorashada hal qof iyo hal cod.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Deni ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen dardar-gelinta doorashooyinka goleyaasha wakiillada, madaxweynaha iyo goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo ee ka harsan gobolka Nugaal oo kala ah Garoowe, Dangoroyo, iyo Godob-jiiraan.
"Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda ayaa kulankooda xoogga ku saaray, isu diyaarinta dhameystirka Doorashooyinka Dadweyne oo nabad ku dhaca" ayaa lagu yiri, War-saxaafadeedka.
Shirka waxaa ka qeybgalay Mas'uuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada Sincad , Ifiye, Runcad, Mustaqbal, Kaah, iyo Shaqaalaha.
Siciid Cabdullaahi Deni oo saxaafadda la hadlay shirka ka dib, ayaa mar kale sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay inuu la kulmo xisbiyada mucaaradka ah, si xal looga gaaro shuruucda doorashada ee ugu habboon xilligaan la joogo.Wada hadalladii aan maanta yeelanay Xisbiyadii, waxaan isla af-garanay sidii loo dardargelin lahaa sidii doorasho dimoquraadi ah oo xasiloon ay u dhici lahayd" ayuu yiri, Deni.
Waxa uu raaciyay hadalkiisa, " Waxaan halkaan mar labaad baaq uga diraya dadka naga ra'yi duwan ee hadda aanan halkaan taagnayn inaan ugu baaqno wada hadal, inaan diyaar u nahay inaan la fahdiisanom inaan diyaar u nahay inaan kala xaajoono sidii dalka shuruucdiisa iyo qawaaniintiisa doorasho loo fulin lahaa"
Shirkaan ayaa yimid todobaad kadib markii Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo qaabilsan ka wada xaajoodka arrimaha doorashooyinka, iyada oo ay cirka isku sii shareereyso khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Magaalada Garoowe waxa maalmaahaan iska daba tegayay mas'uuliyiinta iyo safiirada beesha caalamka waxaana ugu dambeeyay safiirka Britain ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis oo wada hadalo la yeeshay madaxweynaha Puntland, Deni iyo qaybaha kale ee siyaasiyiinta.
“Garowe waxaan kula kulmay ururro siyaasadeed oo kala duwan iyo mucaarad. Waxaan dhageystay talooyinkooda ku aaddan xallinta khilaafaadka doorashooyinka. In si nabad ah lagu hormariyo hanaanka doorashada ayaa muhiim u ah xasiloonida Puntland. Tan waxaa lagu gaari karaa kaliya wada hadal” ayuu yiri Mike.




