Garoowe (Dawan)- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa ka laabtay qorshihii uu damacsanaa ee ahaa inuu ka hirgeliyo Puntland doorasho qof iyo cod ah oo ay dadku si toos ah usoo dooranayaan madaxda kala duwan.
Go'aankaan ayuu Deni ku sheegay khudbad uu caawa u jeediyay dadka reer Puntland
"....Waxaan aad uga xumahay go'aan aynan ku farxeen inaan qaato. Waxaan rajeynaya anoo u turaya mustaqbalka Puntland inaan halkaan uga dhawaaqo in Puntland 8-da January doorasho dhacdo, dadka metelaya xubnaha Baarlamaankana dadkoodu ay soo doortaan". ayuu yiri, Deni
Deni ayaa intaas raaciyay in go'aanka uu qaatay uusan ahayn mid u hiilinaya bulshada reer Puntland, isaga oo ugu baaqay in ay soo doortaan qof ay raali ka yihiin maadama ay waayeen fursaddii ay qof iyo cod ugu dooran lahaayen madaxdooda.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxa ayaa ku eedeeyay dad uusan carabaabin in ay lugaha ku dhegeen dimoqraadiyaddii Puntland, isaga oo amaany go'aanka Deni uu qaatay caawa.
"Puntland waxay aadaysaa doorasho madaxtooyo iyo mid Gole wakiillo. Waa inay doorataa hogaan ka rara xerada qaniinka iyo shilinta leh" ayuu Juxa ku qoray bartiisa Facebook.
Magaalada Garoowe waxa maalmaahaan iska daba tegayay mas’uuliyiinta iyo safiirada beesha caalamka waxaana ugu dambeeyay safiirka Britain ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis oo wada hadalo la yeeshay dhawaan madaxweynaha Puntland, Deni iyo qaybaha kale ee siyaasiyiinta.



