Garoowe (Dawan)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay guddi u qaabilsan wada xaajoodka arrimaha doorashooyinka ee la isku diidan yahay.
Guddiga ayaa ka kooban toddobo xubnood, waxaana hoggaaminaya Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiirrka Arrimaha Gudaha ee Pntland.
Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa kadib dhowr maalin, markii uu Deni shaaciyay inuu diyaar u ayahy in wada hadal laga sameeyo khilaafka ka taagan doorashooyinka.
Warqadda guddigaan lagu magacaabay waxaa ka muuqata in Saiciid Deni weli uusan ka tanaasulin hannaanka doorashada ee ku dhisan hal qof iyo hal cod.
Waxaa jiray waayadii u dambeysay khilaaf xooggan oo u dhaxeeyay Maamulka iyo Mucaaradka Puntland, kaas oo ku saabsan qaabka loo qabanayo doorashada Wakiilada iyo Madaxtinimada ee soo socota.
Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusul duub ugu jira inuu qabto doorasho qof iyo cod ah, halka Mucaaradku ay leeyihiin suurta gal ma ahan in xilligaan la qabto doorasho ay dadweynuhu toos uga qeyb qaataan.
Guddiga doorashooyinka iyo Dallada Mucaaradka ayaa soo kala saaray laba jadwal doorasho oo kala waqti ah, waxeyna mucaaradku ku doodaayan in doorashada loo galo qaabki hore laguna qabto xilligeedi.






