Nairobi, 23 Janaayo 2026 (Dawan)— Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Jimco ah magaalada Nairobi kula kulmay ergayada beesha caalamka, iyada oo diiradda lagu saaray kulanka xaaladda amni, horumarka siyaasadeed iyo iskaashiga bani’aadannimo ee Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay safiirro iyo diblomaasiyiin sare oo metelayay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Boqortooyada Midowday, Denmark, Norway, Canada, Jarmalka iyo Iswiidhan. Sidoo kale waxaa goobta joogay saraakiil ka socday safaaradaha Mareykanka, Switzerland, Finland, Faransiiska iyo Netherlands, iyo wakiillo ka socda Bangiga Adduunka.
Sida lagu sheegay bayaanka, wadahadalladu waxay si gaar ah diiradda u saareen guud ahaan xaaladda dalka, iyada oo la isla eegay caqabadaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee jira, iyo fursadaha lagu xoojin karo xasilloonida iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadeed.
Ergayada caalamiga ah ayaa bogaadiyay hawlgallada militari ee Puntland ay ka waddo deegaannadeeda ee ka dhanka ah kooxaha hubeysan, iyo dadaallada ay ku horumarinayso nidaamka dimuqraadiyadda iyo dowlad-wanaagga.





