Garoowe (Dawan)- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo dhameystiray Golihiisa Wasiirada kadib markii uu soo saaray liiska Wasiiro ku xigeenada iyo Wasiiru Dowlayaasha, isaga oo hore usoo magacaabay Gole wasiiro oo ka kooban 21 xubnood.
Wasiiro ku xigeenada ayaa ka kooban 22 halka Wasiiro Dowlayaashu ay gaarayaan 14 xubnood.
Halkaasn hoose ka akhriso liiska Goalaha Wasiirada oo dhmaystiran;
Xubnaha Wasiiradda: -
1. Waxaa Maxamed Cabdiwahaab Axmed loo magacaabay Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.
2. Waxaa Ibraahin Cartan Ismaaciil loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR.
3. Waxaa Cabdi Faarax Juxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.
4. Waxaa Maxamed Faarax Maxamuud loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.
5. Waxaa Daa’uud Maxamed Cumar loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.
6. Waxaa Fu’aad Abshir Axmed (Adeer) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
7. Waxaa Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.
8. Waxaa Faarax Cawad Jaamac loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta.
9. Waxaa Shaakir Maxamed Guuleed loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda.
10. Waxaa Cabdullaahi Bile Nuur loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
11. Waxaa Maryan Axmed Cali loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska.
12. Waxaa Maxamuud Caydiid Dirir loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska.
13. Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.
14. Waxaa Cumar Cabdisamad Yuusuf (Dhuux) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
15. Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Faroowe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada.
16. Waxaa Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda
17. Waxaa Cabdiraxman Axmed Cabdulle loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
18. Waxaa Liibaan Muuse Cismaan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha.
19. Waxaa Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.
20. Waxaa Maxamed Cabdiqaadir Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
21. Waxaa Hodan Siciid Xasan loo magacaabay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.
Xubnaha Wasiir Ku-xigeennada: -
1. Waxaa Maryan Cismaan Axmed (Fangase) loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.
2. Waxaa Maxamed Axmed Qaxiye loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR.
3. Waxaa Cabdiraxmaan Khaliif Faarax loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.
4. Waxaa Eng. Cabdilaahi Ismaaciil Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda.
5. Waxaa Axmed Maxamed Bulxan loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Dekhliga ee Wasaaradda Maaliyadda.
6. Waxaa Eng. Maxamed Xasan Ibraahin loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.





