Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku xaqiijisay kulan gaar ah oo dhex maray Wasiir Axmed Maallin Fiqi, iyo Safiirka Denmark ee Soomaaliya, Steen Sonne Andersen.
Kulanka ayaa yimid ka dib hadalladii uu dhawaan ka yiri safiirku doorashada Somaliland, taas oo keentay in looga yeero wasaaradda arrimaha dibadda.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Safiir Andersen uu mar kale xaqiijiyay in dowladda Denmark ay si buuxda u ixtiraamayso midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in "Somaliland" ay qeyb ka tahay Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in Denmark ay sii wadi doonto inay taageero siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhisidda dowladnimo, la tacaalida isbedelka cimilada, iyo xoojinta nabadda iyo amniga gobolka.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in labada dal ay sii yeelan doonaan iskaashi dhow ee ku saabsan arrimaha muhiimka ah labada dhinac .






