Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya iyo Denmark ayaa gaaray heshiis muhiim ah oo lagu cafinayo deyn dhan $17 milyan oo ay Denmark ku lahayd Soomaaliya . Heshiiskan, oo lagu saxiixay magaalada Muqdisho, waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, iyo Safiirka Denmark ee Soomaaliya, Steen Sonne Andersen.
Cafinta deymahan ayaa qayb ka ah barnaamijka caalamiga ah ee HIPC, kaas oo Soomaaliya ka caawinaya dhimista deymaha lagu leeyahay si ay u hirgeliso isbeddelada dhaqaale iyo dib-u-habaynta lagama maarmaanka ah. Wasiirka Maaliyadda ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid ka mid ah guulaha la taaban karo ee barnaamijka dib-u-habaynta qaranka, isaga oo bogaadiyay in la soo geba-gebeeyo heshiiska cafinta.
“Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda, Biixi Imaan Cige.





