London (Dawan)- Manchester United ayaa bandhig awood leh ku muujisay garoonka Old Trafford, kaddib markii ay 2–0 ku garaacday deriskooda Manchester City kulan ka tirsan horyaalka Premier League, kaas oo noqday kulankii ugu horreeyay ee tababaraha ku-meel-gaar ah Michael Carrick uu ku hoggaamiyo kooxda.
Labada gool ee United ayaa yimid qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana kala dhaliyay Bryan Mbeumo iyo Patrick Dorgu, iyagoo guul qaali ah u horseeday “Red Devils” kulan si weyn loo sugayay.
Bilowgii ciyaarta waxaa si cad u muuqday isbeddel ku yimid firfircoonida iyo qaab ciyaareedka Manchester United. Saameynta Carrick ayaa durba la dareemay, iyadoo United ay si xeeladeysan u cadaadisay City, kana hor istaagtay in kooxda Pep Guardiola ay si buuxda u maamusho xawaaraha ciyaarta.
Inkasta oo Manchester City ay lahayd kubadda inta badan, haddana way ku adkaatay inay jebiso difaaca adag ee United, kaas oo muujiyay feejignaan iyo isku-duubni kulanka oo dhan.










