Muqdisho (Dawan)- Galab kasta garoomada kubadda cagta ee Muqdisho ayaa buux dhaaf ah xilliga Ramadaan, iyadoo bulshada gobolka Banaadir ay u soo baxaan daawashada ciyaaraha bisha barakeysan.
“Wallahi, laga bilaabo subaxda ilaa afurka, ciyaarahan waxaa si weyn loogu raaxaystaa. Bulshada waxay ka kala yimaadaan degmooyinka gobolka Banaadir, ciyaarahana waa la daawadaa,” ayuu yiri Cabdikariin Muxuyidiin Maxamuud, Guddoomiyaha Ciyaaraha Degmada Kaaraan.
Xitaa xilliyadii adkaa ee dagaallada, tartamada kubadda cagta ee Ramadaan ma aysan gelin hakad, taasoo muujinaysa sida weyn ee loo jecel yahay ciyaarahan.
“Weligood lagama joojin waqtiga Ramadaanka in lagu ciyaaro meeshan. Sannad walba oo Ramadaan jirto waa lagu ciyaaraa,” ayuu yiri Ganeey Xasan Caddow, oo taageere ah.
Dadku halkan waxay u yimaadaan si ay isugu madadaaliyaan maalmaha Ramadaanka, iyagoo rumeysan in ay uga baaqsadaan waxyaabo kale oo aan wanaagsaneyn.







