Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in Maamulka SSC-Khaatumo uu 25 maxbuus oo ka tirsan Somaliland u soo wareejiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo horey loogu xiray deegaannada SSC-Khaatumo.
Maxaabiistan ayaa lagu xiray dagaalkii ka dhacay Somaliland iyo deegaanka SSC-Khaatumo, waxaana lagu sheegay inay leeyihiin duruufo gaar ah oo loo baahan yahay in si gaar ah loo tixgeliyo.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, 25-ka maxbuus ayaa lagu wareejiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo qayb ka ah barnaamijka Nabadeynta iyo xalinta khilaafaadka ee uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.
“Maamulka SSC-Khaatumo oo la tashaday Golayaasha Maamulka ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo kamid ah maxaabiistii lagu gabtay dagaalkii Somaliland iyo dadka reer SSC-Khaatumo, kuwaas oo leh duruufo gaar ah, waxayna DFS dib-ugu-celin doontaa ehelkoodii iyaga oo badqaba” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.





