Itoobiya, 11 Nofeembar 2025 — Warshad cusub oo biyo nadiif ah ayaa si rasmi ah looga hirgaliyey magaalada Dhagaxbuur ee gobolka Jarar ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyadoo mashruuca uu ku kacay 150 milyan oo birr (≈ $980,000).
Warshadda, oo ay maamusho shirkadda Safa Water, ayaa loogu talagalay in kor loo qaado helitaanka biyo nadiif ah isla markaana shaqooyin loogu abuuro bulshada deegaanka.
Xafladda furitaanka oo Isnintii dhacday ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin heer gobol iyo heer federaal ah, oo ay ku jiraan Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Maxamed Yuusuf Rooble, iyo Wasiir Ku-xigeenka Maalgashiga iyo Warshadaha, Ibrahim Axmed Sheekh, sidoo kale odayaal dhaqameed iyo ganacsato deegaanka.





