Muqdisho, 26 Janaayo 2026 (Dawan) — Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad maamuus ah oo lagu sharfay dhakhaatiir Talyaani ah oo qalliimo wadnaha ah oo naf-badbaadin ah ugu sameeyey 24 carruur Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu soo daweeyey magaalada Milan ee dalka Talyaaniga.
Xafladda ayaa lagu maamuusay Prof. Stefano Marianeschi iyo Dr. Stefano Mazzoleni, kuwaas oo hormuud u ahaa howlaha qalliinka, waxaana munaasabadda goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Soomaaliya Jibriil Xaaji Cabdirashiid Cabdi, Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Pierce Dacco, wasiirro, xildhibaanno iyi Edna Macallin Cabdiraxmaan oo ah qofkii bilaabay hindisahan, iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale xafladda ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Hormuud Salaam Foundation, carruurtii la daaweeyey iyo qoysaskooda, kuwaas oo muujiyey farxad iyo mahadnaq ballaaran.
Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cusmaan, ayaa sheegay in barnaamijkan loogu talagalay carruurta qaba cudurrada wadnaha ee aan dalka gudihiisa lagu daawayn karin, isagoo xusay in mashruucu ku kacay ku dhowaad 700,000 oo doolar. Hormuud Salaam Foundation ayaa iyada waxa ay kafaala qaadday safaraka iyo degenaashaha caruurta loo fuliyey qallinka inta ay ku sugnaayeen Talyaaniga.Qalliimada ayaa lagu sameeyey Isbitaalka Niguarda ee magaalada Milan isagoo weliba qallinka ahaa mid dhaqaatiirta ay ku fuliyeen si bilaash ah, halkaas oo sidoo kale baaritaan caafimaad loogu sameeyey 55 carruur kale oo la filayo in ay helaan daaweyn sanadka 2026.





