Muqdisho (Dawan) – Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isla markaana hore u soo noqday Guddoomiyaha Golaha, ayaa sheegay in go’aannada la xiriira maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed aysan ka go’in Muqdisho, isagoo carrabka ku adkeeyay madaxbannaanida maamul goboleedyada.
Xildhibaanka, oo ku sugan magaalada Baydhabo halkaas oo uu maanta gaaray, kana hadlayay shir jaraa’id, ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay leedahay hay’ado dhammaystiran oo awood u leh maareynta arrimaheeda gudaha si waafaqsan nidaamka federaalka.
“Talada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ma taal Muqdisho, waxay taallaa Baydhabo,” ayuu yiri, isagoo xusay in Dastuurka Federaalka uu si cad u qeexayo in maamul goboleedyadu ay si gaar ah u maamulaan arrimahooda.
Wuxuu sheegay in nidaamka federaalka ee Soomaaliya lagu heshiiyay uu kala qeexayo awoodaha u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, isla markaana aan la oggolaan karin faragelin lagu sameeyo arrimaha gudaha ee maamul goboleedyada.
