Soomaaliya (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay Dowladda Qatar iyo Jamhuuriyadda Turkiga kaddib shil ay ku burburtay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (helicopter) oo ku dhacday biyaha xuduudda badeed ee Qatar, taas oo sababtay dhimashada toddobo qof oo saarnaa xilli ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay Axaddii ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay tacsi tiiraanyo leh u dirayso dowladaha iyo shucuubta Qatar iyo Turkiga, sidoo kalena ay la qaybsanayso murugada qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay shilkaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay inay garab taagan tahay labada dal ee saaxiibka ah xilligan adag, iyadoo Alle uga baryaysa in uu u naxariisto dadkii ku geeriyooday, qoysaskoodana ka siiyo samir iyo iimaan.
Bayaanka tacsiyeed ee Soomaaliya ayaa yimid kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qatar ay Axaddii ku dhawaaqday geerida dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda qumaatiga u kacda ee aroortii hore ku dhacday biyaha xuduudda badeed ee dalkaas.
Wasaaraddu waxay sheegtay in kooxaha gurmadka iyo baadi-goobka ay heleen dhammaan toddobadii qof ee saarnaa diyaaradda, kuwaas oo la xaqiijiyay inay geeriyoodeen.
