Jabuuti (Dawan) — Dhaqaalaha dalka Jabuuti ayaa sameeyay kobac gaaraya 6.5 % sanadka 2025, sida uu sheegay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), inkasta oo ay jireen caqabado la xiriira xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo ka taagan dalalka deriska la ah ee gobolka Geeska Afrika.
Warbixin ay IMF soo saartay kaddib booqasho shaqo oo ay kooxdeedu ku tageen Jabuuti intii u dhaxaysay 11 ilaa 15 Janaayo 2026, ayaa lagu xusay in kobacaasi uu si weyn ugu tiirsanaa waxqabadka dekedaha dalka, inkasta oo uu wax yar ka hooseeyay heerarkii la diiwaangeliyay sanadkii 2024. Hoos u dhacaas ayaa lagu sababeeyay yaraanta badeecooyinka qaarkood ee loo sii kala wareejin jiray dekedo kale oo gobolka ka mid ah.
IMF waxay sheegtay in sidoo kale ay door muuqda ka qaateen kobaca dhaqaalaha qaybaha dhismaha, gaadiidka, isgaarsiinta iyo ganacsiga tafaariiqda, kuwaas oo ka faa’iidaystay mashaariicda horumarineed iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dalka ka socda.
Warbixintu waxay tilmaantay in suuqa ballaaran ee Itoobiya iyo mashaariicda waaweyn ee kaabayaasha dhaqaalaha ee ay wadaagaan Jabuuti iyo Itoobiya ay sare u qaadi doonaan baahida adeegyada dekedaha, taas oo IMF ku qiyaastay inay keeni karto in kobaca dhaqaalaha Jabuuti uu sii ahaado mid xooggan sanadaha ka dambeeya 2027, iyadoo lagu qiyaasay ku dhowaad 6 %.







